Degmada Shibis oo ku guuleysatay Koobka Kubadda Koleyga Degmooyinka G. Banaadir

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa galabta koobka Kubadda Koleyga ee Degmooyinka Gobolka Banaadir guddoonsiiyay Naadiga Kubadda Koleyga ee Degmada Shibis, kadib markii ay ciyaartii kama dambaysta ahayd 62–54 uga adkaadeen dhiggooda Degmada Hodan.

Duqa Muqdisho ayaa ugu hambalyeeyay Naadiga Degmada Shibis guusha ay ka gaareen tartanka, isagoo tilmaamay dadaalkooda iyo ciyaar wanaaggooda. Ciyaarta waxaa daawashadeeda kasoo qeyb galay masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirro, Guddoomiye Ku-xigeennada Maamulka Gobolka Banaadir, Agaasimayaal, Guddoomiyeyaal Degmooyin iyo kumanaan taageerayaal ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Danab oo deegaanka Towfiiq ku qabtay laba dhagar-qabe

Ciidamada Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa...

Soomaaliya oo u Diyaargarowday Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka

Soomaaliya waxa ay si weyn ugu diyaargarowday xuska Maalinta...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Faahfaahiyay Horumarka Geeddi-socodka Doorashada Degmooyinka Banaadir

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS),...

Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday

Waxaa hubaal ah in su’aasha ah “Wax dhaama dawladnimada...