Wasiir Cali Xoosh “Dowladdu way dhistay Guddiga Doorashooyinka Qaranka balse ma fara-gelinayso shaqadooda.”

Date:

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh), ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay dhiseysay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, balse aysan faragelin doonin shaqadiisa.

Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay soo dhaweynta loo sameynayay Urrada siyaasadda ee ka diwaan galshan dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay ku qabtay Muqdisho, isaga oo si cad u sheegay in guddigan uu yahay mid madax-bannaan, loona xil saaray qabashada doorashooyin hufan, cadaalad ah oo waafaqsan dastuurka dalka iyo qawaaniinta u yaalla.

“Guddiga Doorashooyinka Qaranka wuxuu leeyahay madax-bannaani buuxda. Dowladdu waxay kaliya ka caawin kartaa dhanka amniga iyo dhaqaalaha haddii loo baahdo, balse ma faragelinayso shaqada guddiga,” ayuu yiri Wasiirka.

Wuxuu sidoo kale xusay in isdiiwaangelinta codbixiyeyaasha ay si wanaagsan uga socoto qaybo badan oo ka mid ah dalka, isla markaana la doonayo in dhammaan qeybaha bulshada ay si siman uga qayb qaataan geedi socodka dimuqraadiyadda.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli dalku isu diyaarinayo marxalado doorasho oo muhiim ah, kuwaas oo ka tarjumaya dadaallada dowladda ee ku aaddan hirgelinta doorasho qof iyo cod ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo kormeer ku tegay xarunta maamulka Baydhabo

Baydhabo, Abriil 08, 2026: Hoggaamiyaha ku-meelgaarka ah ee Dowlad...

Soomaaliya oo u diyaar-garowbaysa helitaanka maalgelinta cimilada

Xafiiska Sanduuqa Qaran ee Cimilada Soomaaliya (National Climate Fund...