Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

Date:

Muxudiin Cabdisalaan Maxamuud “Daqare”,ayaa lagu soo eedeeyay kamid ahaanshiyaha Argagixisada iyo in uu dadka ku tashkiilin jiray inay ku biiraan kooxdaasi iyo marin habaabin Carruurta Soomaaliyeed tan iyo 2009.

Horjoogahiisa Xuseen Fiidoow ayaa u Magacaabay marin habaabinta Jufada hoose ee uu ka dhashay eedeysane horjooge (Daqare), waxaana ka mid noqoshada Khawaarijta uu ku tashiiliyey Ex Dhamme Shariif Maxamed Barqadle (Shariif Jeego)  iyo Ex Dable xoogga Maxamed Cabdulle Nuur Abkoow Biyamaaloow.

Shariif Cagaweyne oo qeybta dhagaraha ka tirsan ayaa isna ahaa horjooge uu (Daqare) ku wareejiyay Jeego iyo Biyamaloow oo markii danbe geystay Qaraxyadii Muqdisho Mall 2019, Baar Cagaweyne oo ku yaalla agagaarka Hotel Wehliye 2019 iyo weerarkii Dabley Khawaarij ah loogu dusiyay Airport-ka Aaden Cad ee 2022.

Horjooge Daqare dadkii Kale ee uu ku biiriyay Khawaarijta, oo Jufadiisa ahaa kadib tahskiilintiisa waxaa kasii mid ahaa Guddoomiye ku-xiggeenkii hore ee arrimaha Bulshadda degmadda Hodon Shariif Nuur Cali Awliyo oo lagu helay la shaqeynta Khawaarijta, unna ahaa Basaas iyo Dhagarqabe Maxamed Cali Kaahiye oo wali la shaqeesta Khawaarijta, kana tirsan duur ku jirta  ku dhuumaaleysta Gobolka Mudug.

Cabdi Xakiin Axmed Diini Cawaale (Wadne) oo Sargaal xiggeen ka ahaa xoogga dalka, ayaa isna lagu eedeeyay in uu ku biiray Khawaarijta, kadib tashkiilinta Abtigiis Hooyadii la ilma Adeera, waana horjooge Daqare.

Waxaa looga faa’iideysan jiray soo gelinta Caasimada Gawaarida Qaraxyada lagu diyaariyo iyo dhaafsiinta control-lada Ciidamada Amniga, iyagoo xitaa raran, Madaama u heestay aqoonsiga  Ciidamada.

Hay’adaha Amniga oo si hoose ula socday dhaq-dhaqaaqa dhagarqabe Daqare, ayaa gacanta ku soo dhigay.Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Sagaal iyo tobankii Bishii May ee Sanadkaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku kala xukumay  Muxudiin Cabdisalaan Maxamuud Daqare Xabsi Daa’in, halka Cabdi Xakiin Axmed Diini Cawaale(Wadne), isna lagu xukumay Afar Sano oo xabsi Argagaxiso ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Gashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xarunta Taliska Ciidanka Haramcad oo dib loo dayactiray oo xarigga laga jaray

Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu qabtay munaasabadda xarig-jarka xarunta...

Golaha Wasiirrada oo si adag u cambaareeyay weerarkii ay Israa’iil ku qaaday dowladda Qatar

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuurriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa si adag...

Duqa Caasimadda oo xarigga ka jaray dhismaha waddada Daarusalaam

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Xafladda Furitaanka Biyo-xireenka Itoobiya ee GERD

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...