Shirweynaha Qaran ee Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo ka socdo Muqdsho maalintii labaad

Date:

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Cumar Maxamed, ayaa furay maalinta labaad ee Shirweynaha Qaran ee Deegaanka iyo Isbeddelka Cimiladda oo si rasmi ah uga socda magaalada Muqdisho.

Shirkan oo ay isugu yimaadeen khubaro, mas’uuliyiin dowladeed, hay’adaha samafalka iyo daneeyayaal kale, ayaa lagu falanqeynayaa saameynta isbeddelka cimilada iyo sidii loo heli lahaa qorshayaal wax-ku-ool ah oo lagu wajahayo.

Mudane Axmed Cumar Maxamed ayaa khudbad uu ka jeediyay shirweynaha ku xusay muhiimadda maalinta deegaanka adduunka ee 5-ta Juun, isaga oo tilmaamay baahida loo qabo in si wadajir ah loo xoojiyo dadaallada ilaalinta deegaanka.

Shirweynahan ayaa la filayaa in laga soo saaro talooyin iyo qorshayaal mustaqbalka fog loogu adeegayo deegaanka Soomaaliya, lana dardargeliyo u diyaar garowga xaaladaha degdegga ah ee la xiriira cimilada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Faahfaahiyay Horumarka Geeddi-socodka Doorashada Degmooyinka Banaadir

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS),...

Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday

Waxaa hubaal ah in su’aasha ah “Wax dhaama dawladnimada...

Guddiga Wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Qatar oo Kalfadhigoodii Koowaad ku yeeshay Doha

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Taliyaha Boliiska oo xariga ka jaray Dhismaha Dugsiga Qur’aanka Kariimka ee Gabdhaha Agoonta Boliiska

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...