Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Date:

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona dalka Yemen mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed),ayaa warqadaha aqoonsiga danjirannimo u gudbiyay Madaxweynaha golaha hoggaaminta dalka Yemen Mudane Rashaad Maxamed Al-Cileemi.

Intii uu socday kulanka qaabilaadda, Danjiruhu waxa uu gudbiyay salaan uu ka siday Madaxweyne Dr Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ku socotay Madaxweynaha golaha hoggaaminta dalka Yemen.

Danjiraha iyo Madaxweynaha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka ah iskaashiga  dhinacyada dhaqaalaha iyo horumarinta ee Labada Dowladood iyo ka hortaga khataraha Amni ee ka dhallan karta xuduudaha u dhaxeeyo Labada dal.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...