Shir u dhexeeya hay’adaha Maaliyadda DFS iyo Hay’adda IMF oo ka dhacay Nairobi

Date:

Waxaa maanta magaalada Nairobi lagu soo gabagabeeyay shir muhiim ah oo u dhexeeyay hay’adaha Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF). Shirkaas ayaa diiradda lagu saaray arrimaha horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, gaar ahaan dib-u-habeynta Maaliyadda iyo sidii loo maalgelin lahaa mashaariicda mudan in la maalgeliyo, oo ay ka mid yihiin kuwa wax-soo-saarka.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige, ayaa hoggaaminayay wafdi ballaaran oo ka koobnaa xubno ka kala socday xafiisyada Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradaha Maaliyadda, Qorsheynta, Batroolka, Bangiga dhexe, Hay’adda Warbixinada Maaliyadda, Hay’adda Istaatistikada Qaranka, iyo xafiiska Xisaabiyaha Guud.

Wasiirka Maaliyadda, Mudane Biixi Iimaan Cige, oo hadal ka jeediyay munaasabadda xiritaanka shirka, ayaa xusay sida ay Dowladda Soomaaliya u siinayso ahmiyad gaar ah helitaanka maalgelin ku saabsan ka faa’iideysiga kheyraadka dalka. Sidoo kale, Wasiirka ayaa xaqiijiyay in Dowladda ay ka go’an tahay dib-u-habeynta maaliyadda iyo casriyeynta hannaanka dakhli uruurinta, si loo kordhiyo dakhliga gudaha.

Shirkan oo ah mid saddex-biloodle ah ayaa inta badan lagu sameeyaa dib-u-eegis ku saabsan horumarinta maamulka maaliyadda Soomaaliya iyo wixii u qabsoomay Dowladda tan iyo markii lagu dhawaaqay hannaankii cafinta deynta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa...

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa magaalada New...

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka...