Maxamuud Macallin oo Kenya ka daah-furay Mashruuc ay ku baxayso lacag $40 Milyan ah

Date:

Gudoomiyaha Hay’adda Maareeynta Masiibooyinka ( SoDMA ) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa magaalada Naivasha ee Dalka Kenya si rasmi ah uga daah-furay Mashruuc ay ku kacayso lacag qiyaastii kor u dhaafaysa 40,000000 afartan milyan oo doolar.

Mashruuca (WISER Action First – Eastern Africa) oo waddamada bariga Afrika looga taageeri doono sidii sare loogu qaadi lahaa awooda u adkeeysiga aafooyinka ee bulshada kuwa ugu nugul ee gobolka bariga Africa oo ay Soomaaliyana qeeyb ka tahay, iyadoo ay mashruucan fulin doonaan Hay’addaha Maareeynta Musiibooyinka iyo kuwa Saadaasha Cimilada u qaabilsan wadamada bariga Afrika. Mashruucan wuxuu socon doonaa muddo afar sano ah, waxaana maalgelinaya dowladda UK hay’addeeda u qaabilsan Horumarinta ee FCDO.

Gudoomiyaha oo Munaasabadda Daah-furka mashruuca hadal ka soo jeediyay ayaa sheegay in uu mashruucu ku soo aadayay wakhtigii aadka loogu baahnaa, wuxuuna iftiimiyay faa’iidada mashruucan u leedahay dhameeystirka firaaqa ka jira hanaanka bixiya digniinaha halis-wadareedka dalalka gobolka gaar ahaan dalkeena Soomaaliya.

Sidoo kale, Gudoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa gaba-gabadii munaasabadda wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in mashruucan laga faa’iideeysto, wuxuuna kula dardaarmay dhammaan bah-wadaagta mashruuca fulinaysa in ay si hufan oo daahfurnaan leh u gutaan waajibaadkooda si bulshadu si siman ugu faa’iidaysato.

Ugu dambeyntii Gudoomiye Maxamud Macalin ayaa wuxuu shir doceed la yeeshay madaxdii mataleeysay hay’adda “FCDO” oo ah deeq bixiyaha mashruuca, gudoomiyuhu wuxuu uga Mahad celiyay taageetada ay had iyo jeer la garabtaaganyihiin wadamada gobolka gaar ahaan dalkeena Soomaalya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Dekadaha XFS oo ka qeybgalaya shirka 34-aad ee Golaha Hay’adda Baddaha Adduunka.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur,...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Muqdisho ka furtay mashruuca Codka iyo Hoggaaminta Haweenka.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magaalada Rabat kula kulmay dhiggiisa dalka Morocco.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo Booqday Xarunta Dhexe ee Warbaahinta Malaysia.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska JFS,...