Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo loogu soo dhoweeyay magaalada Algiers

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta si diirran loogu soo dhoweeyay magaalada Algiers, caasimadda dalka Algeria.

Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Algiers ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Algeria, Mudane Ibrahim Boughali, xubno ka tirsan baarlamaanka dalkaas, iyo Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Algeria, Mudane Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego).

Booqashada Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa la xiriirta ka qeybgalka shirka Guddoomiyaasha Baarlamaanada Carabta, oo lagu qabanayo magaalada Algiers maalmaha soo socda. Shirkaas ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha wadamada Carabta, gaar ahaan xaaladda Falastiin.

Inta uu joogo Algeria, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sidoo kale kulamo la yeelan doona madaxda ugu sarreysa ee dalka Algeria iyo Guddoomiyaasha Baarlamaanada Carabta ee ka qeybgalaya shirka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Odayaasha Dhaqanka oo Muqdisho ku qabtay Dibadbax ay kaga soo horjeedaan Xadgudubka Israa’iil

Bannaanbax ballaaran oo looga soo horjeeday faragelinta iyo xadgudubka...

Ciidamada Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay keydad biyo ah oo ay lahaayeen Khawaarijta

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay keydkii...

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Beljimka oo ka bannaan-baxay aqoonsi beenaadka Israa’iil

Dadweynaha Soomaaliyeed ee deggan dalka Beljimka ayaa qabtay bannaanbax...

Xogta Xafiiska Hantdhowrka ee hufnaanta iyo qabashada Dakhliga Dowladda

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan...