Taliyaha Booliiska oo xariga ka jaray Dugsiga Qur’aanka ee Carruurta Agoonta

Date:

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa Xariga ka jaray Dhismaha Dugsiga Qur’aanka kariimka, kaas loo dhisay Carruurta Agoonta Booliiska oo aan horay u haysan goob ku haboon.

Munaasabada Xarig jarka Dugsiga waxaa sidoo kale goobjoog ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Ibraahim Aadan iyo Saraakiil kala duwan oo Booliiska ka tirsan .

Taliyaha Xarunta Barbaarinta Carruurta Booliiska L/xidigle Xaliimo Sacdiyo Yuusuf ayaa goobta xarig jarka ka sheegtay in iyada oo ka duulaysa fulinta Amarkii Taliyaha ee la xiriiray kor u qaadida aqoonta iyo qurxinta goobta wax lagu baro carruurta ay dhaqangelisay, waxaana ay muddo kooban oo magacaabisteeda laga joogo la timid dadaal dheeri ah.

18-kii Bishii Labaad ee Sanadkaan ayuu Taliyuhu dhigax dhigay Dhismaha Dugsigan waxaana uu amray in la dadajiyo maadama uu arkay in baahi weyn ardeyda Agoontu u qabto dhismaha iyo dib u habaynta Xaruntaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Guud Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo La Kulmay Danjiraha Shiinaha

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta,...

Wasiiru-Dowlaha Gaashaandhigga oo Booqday Markabka Dagaalka ee Turkiga ee Muqdisho

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi, oo uu...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qaybgalay kal-fadhiga 48aad ee Golaha fulinta Midowga Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Wasiirka Batroolka XFS oo Cape Town kulan la qaatay maalgashadayaal caalami ah

Cape Town – Koonfur Afrika: Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo...