Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la Kulmay Madaxa Ergayga Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabbilay madaxa Ergayga Jaamicadda Carabta ee Soomaaliya, Danjire Cabdalla Al-Cuteybi, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Jaamicadda, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalaha.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa intii uu kulanka socday waxa uu ka hadlay guulaha waaweyn ee ay dowladdu xaqiijisay iyo fursadaha maalgashiga ee dalkeenna ka jira ee u baahan in ay maalgashadaan dalalka Carbeed ee xubnaha ka ah ururka, gaar ahaan dhinacyada dalkeenu qaniga ku yahay ee Xoolaha, Beeraha, Kalluumeysiga, Tamarta, Batroolka iyo Macdanta.

Danjire Al-Otaibi, ayaa la soo qaaday Ra’iisul Wasaare Xamsa muhiimadda ay leedahay qorshe ururku wado oo lagu xoojinayo barashada luuqadda Carabiga, maadaama ay Soomaaliya tahay dal Muslim ah xubinna ka ah Jaamicadda Carabta, isla markaana dastruurkeena uu qorayo luqadda labaad ee dalka in ay tahay Carabi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...