Guddoomiyaha BJFS oo guddoomiyay Shirka Guddiga joogtada ah

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada oo oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa.

Ugu horeyn Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) ayaa kulanka ku dhaariyay xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ee dhowaan la magacabay.

Intaasi ka dib xubnaha Guddiga Joogtada ayaa ka dooday jadwaleynta shuruucda horutebinta u leh Golaha Shacabka kuwaas oo la horgeynayo todobaadka soo socda, waxaana guddi walba uu faahfaahin ka bixiyay shuruucda uu gacanta ku haayo, heerarka ay marayaan iyo sidoo kale xiliga la horgeynayo kulamada guud ee Golaha.

Ugu dambeyn Guddiga Joogtada ayaa isku raacay in maalinta isniinta ee socota ay dib u bilaaban doonaan kulamada guud ee Golaha Shacabka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo xilalka ka qaaday laba Wasiiru Dowle

Muqdisho, Khamiis, 26 Maarso 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Taliyaha CXDS oo booqday Askartii kusoo dhaawacantay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta oo Kormeer ku tagay Xarunta taliska

Kusimaha Wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo saxiixay buugga tacsida Marxuum Maxamed Faarax Jiis

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...