Ciidammda Xoogga iyo Deegaanka oo Howlgallo ka fuliyay Koonfurta Mudug

Date:

Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Deegaanka ayaa xalay howlgallo qorsheysan ka fuliyay koonfurta Gobolka Mudug, gaar ahaan deegaanka Ceel-saacid oo ay khawaarijtu saldhigyo ku lahaayeen. Howlgalladaas ayaa si gaar ah loogu beegsaday saldhigyo iyo Gaadiid dagaal oo ay kooxaha khawaarijta isticmaalayeen.

Saraakiisha Ciidammada ayaa xaqiijiyay in howlgallada lagu beegsaday Gaadiid dagaal, kuwaas oo gaaraya saddex, sidoo kalena saldhigga khawaarijta ay ku lahaayeen halkaas la burburiyay. Wararka laga helayo ayaa tilmaamaya in howlgalladaasi ay sababeen qasaare xooggan oo gaaray kooxda khawaarijta ah, islamarkaana ay xoojinayaan dadaallada dowladdu ugu jirto ka hortagga iyo ciribtirka kooxahan argagixisada ah ee ku sugan qeybo ka mid ah dalka.

Saraakiishu waxa ay sidoo kale sheegeen in howlgalladan ay qayb ka yihiin qorshayaasha amni ee ka socda gobolka Mudug, kuwaas oo lagu xoojinayo amniga iyo xasiloonida deegaannada ay khawaarijtu ka joogaan. Ciidammada Xoogga iyo kuwa Deegaanka ayaa u muuqda inay si wadajir ah uga shaqeynayaan hawlgallada lagu ciribtirayo khawaarijta, iyada oo ujeedadu tahay in la xaqiijiyo amniga shacabka iyo dhismaha dowladnimada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...