Ciidammda Xoogga iyo Deegaanka oo Howlgallo ka fuliyay Koonfurta Mudug

Date:

Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Deegaanka ayaa xalay howlgallo qorsheysan ka fuliyay koonfurta Gobolka Mudug, gaar ahaan deegaanka Ceel-saacid oo ay khawaarijtu saldhigyo ku lahaayeen. Howlgalladaas ayaa si gaar ah loogu beegsaday saldhigyo iyo Gaadiid dagaal oo ay kooxaha khawaarijta isticmaalayeen.

Saraakiisha Ciidammada ayaa xaqiijiyay in howlgallada lagu beegsaday Gaadiid dagaal, kuwaas oo gaaraya saddex, sidoo kalena saldhigga khawaarijta ay ku lahaayeen halkaas la burburiyay. Wararka laga helayo ayaa tilmaamaya in howlgalladaasi ay sababeen qasaare xooggan oo gaaray kooxda khawaarijta ah, islamarkaana ay xoojinayaan dadaallada dowladdu ugu jirto ka hortagga iyo ciribtirka kooxahan argagixisada ah ee ku sugan qeybo ka mid ah dalka.

Saraakiishu waxa ay sidoo kale sheegeen in howlgalladan ay qayb ka yihiin qorshayaasha amni ee ka socda gobolka Mudug, kuwaas oo lagu xoojinayo amniga iyo xasiloonida deegaannada ay khawaarijtu ka joogaan. Ciidammada Xoogga iyo kuwa Deegaanka ayaa u muuqda inay si wadajir ah uga shaqeynayaan hawlgallada lagu ciribtirayo khawaarijta, iyada oo ujeedadu tahay in la xaqiijiyo amniga shacabka iyo dhismaha dowladnimada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...