Ciidamda dowladda Soomaaliya oo Al shabaab kala wareegay deegaan muhiim u ahaa

Date:

Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa si rasmi ah ula wareegay deegaanka Aboorreey ee gobolka Hiiraan, halkaasi oo saaka aroornimadii Ciidamadu ku qaadeen weerar saf ballaaran ah.

Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ayaa u daatay godad ay Khawaarijtu gudaha deegaanka ka qoteen saacadihii u danbeeyay.

Saraakiisha Ciidamada ee howlgalka hoggaaminayay ayaa xaqiijiyay maydadka khawaarij tiro beel ah oo daadsan gudaha deegaanka, waxayna xuseen in kuwooda badbaaday ay duurka u baxsadeen halkaasi oo wali lagu sii baacsanaayo firxadka Khawaarijtii lasoo qalday.

Sarkaalka ciidankan hogaaminayay ayaa sheegay in howlgalkan uu muhiimad gaar ah leeyayay isaga oo xusay in deegaanka uu ahaa mid stratigic u ah kooxda Khawaarijta ee Al shabaab waxaana uu intaa ku diray iney sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah Kooxda Al shabaab.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa sii wada howlgallo saf balaaran ah oo deegaano cusub lagala wareegayo argagixisada Al shabaab waxaana jab iyo khasaaro xoogan hadda  la kulmaya kooxda arxanka daran ee Al shabaab.

By: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal)

Email: Loyalyare12@gmail.com

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...