Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo kulan la qaatay Saraakiisha Hoggaanka Booliska 

Date:

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa Xarunta Taliska guud ee Ciidanka kula kulmay saraakiisha hoggaanada, qeybaha iyo fadhiyada madaxa banaan ee ciidanka Booliiska .

Kulankaasi oo ahaa todobaadle waxaa warbixino ku saabsan ammaanka looga dhageystay saraakiisha qeybta guud ee gobalka banaadir, hoggaanka baarista dambiyada CID, taliska la dagaalanka argagixisada iyo Hoggaanka Kormeerka.

Taliyaha Ciidanka waxa uu saraakiisha uga mahadceliyey dadaalka shaqo ee ay hayaan,waxa uuna faray in la xoojiyo doorka ciidanka kaga aadan amniga dalka,gaar ahaan xilliggaan oo ay so dhowdahay bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ,waxa uu si gaar ah shacabka uga codsaday in ay la shaqeeyaan ciidanka,isla markaana ay laamaha Ammaanka gacan ka siiyaan ka hortagga falalka Khawaarijta iyo wax kasta oo keeni kara amni darro.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...