Ciidanka Xoogga dalka oo howlgallo qorsheysan ka fuliyay qeybo ka mid ah Shabeelleda dhexe

Date:

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo geesiyaasha xaq u dirirka ah ee dadka deegaanka ayaa saakay cadowga Khawaarijta ku jebiyey dagaallo ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe. Dagaallada ayaa ka dhacay deegaannada Ceel Cali Axmed iyo Cali Fooldheere, waxaana howlgalka uu ahaa mid qorshaysan oo si guul leh u fuliyey ciidanka.

Dagaalkii ugu culus ee ka dhacay deegaanka Ceel Cali Axmed ayaa sababay khasaare lixaad leh oo ay soo gaartay Khawaarijta. Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee howlgalka hoggaamineysa ayaa xaqiijiyay in cadowga ay heleen khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, iyadoo sidoo kale ay soo baxayaan warbixinno sheegaya in xoogagga Khawaarijta ay ka tageen goobaha ay ku sugnaayeen kadib weerarka culus ee ay la kulmeen.

Meydadka Khawaarijta ayaa daadsan yihiin deegaanka Ceel Cali Axmed, waxaana dadka deegaanka ay ka warbixiyeen in horjoogayaal iyo malleeshiyaad badan ay ku dhinteen dagaalka. Tallaabooyinka ciidanka xoogga dalka iyo geesiyaasha xaq u dirirka ah ayaa ah kuwo guul weyn ka tarjumaya, taas oo ka dhigan in taageero xooggan oo dhinaca ammaanka ah laga heli doono deegaannada kale ee ku yaal gobolka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...