Wasiirka Maaliyadda XFS oo soo xiray shirka dib-u-eegista Mashaariicda ee Bangiga Adduunka

Date:

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa soo xiray shir labo maalmood socday oo ay ka soo qayb galeen hey’adaha kala duwan ee dowladda iyo madaxda Bangiga Adduunka. Shirkan, oo lagu eegayay habsami u socodka mashaariicda horumarineed ee Bangiga Adduunka maalgaliyo, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa mashaariicda dowladda Soomaaliya ka fuliso gudaha dalka.

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi, ayaa shirkan ku tilmaamay mid muhiim ah, isla markaana hoosta ka xariiqday fursado muhiim ah oo laga gaaray mashaariicda kala duwan ee Bangiga Adduunku maalgaliyo. Waxaa uu sidoo kale xusay in dib-u-eegistaasi ay muujisay horumar laga sameeyay fulinta mashaariicdaasi.

Wasiir Biixi Imaan Cige ayaa uga mahadceliyay Bangiga Adduunka taageerada joogtada ah ee a siiyaan Soomaaliya iyo wadashaqeyntooda buuxda, isagoo xusay in wada-shaqeyntaasi ay muhiim u tahay sii wadida horumarka dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee...

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta soo gebagabeeyey...