Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Koowaad oo Su’aalo laga wadiyay xaaladda guud ee Dalka

Date:

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa xalay qabtay kulan furan oo uu kaga hadlay xaaladda guud ee dalka iyo guulaha ay ku tallaabsatay Xukuumadda Danqaran ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulanka oo ay goob-joog ka ahaayeen saxafiyiinta, ayaa Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka wuxuu faahfaahiyay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha amniga, dhaqaalaha, iyo hirgelinta doorashooyinka ku saleysan qof iyo cod.

Saalax Axmed Jaamac, ayaa sheegay in Xukuumaddu ay ku guuleysatay hirgelinta barnaamijyo badan oo la xiriira arrimaha bulshada iyo kuwa muhiimka u ah dowladnimada Soomaaliya, isagoo tilmaamay in guulahaasi ay la jaanqaadi karaan dalalka caalamka.

Wasiirku waxa uu sidoo kale qiray in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay dhameystirka barnaamijyada muhiimka ah ee loogu talagalay shacabka, isagoo hoosta ka xariiqay in si dhow loo xaqiijin doono hirgelinta doorasho madax-bannaan oo qof iyo cod ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis iskaashi difaac

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar ayaa maanta kala...

Dowladda oo casuumaad u dirtay golaha mustaqbalka Soomaaliyeed

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah casuumaad ugh...

Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay agaasimaha Hay’adda maliyadda caalamiga ah (IFC) ee Bariga Afrika

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi...

Soomaaliya iyo Suudaan oo Kawada Hadlay Xoojinta Xiriirka Laba-geesoodka ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Jamhuuriyadda Federaalka...