Madaxweynaha Tajikistan oo ka Guddoomay Warqadaha Aqoonsiga Danjiraha Soomaaliya

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Tajikistan Mudane Emomali Rahmon, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Tajikistan, Mudane Fatxudin Cali Maxamed Ospito, waxaana uu ka guddoomay warqadaha aqoonsiga Danjirinimo.

Kulanka oo ahaa mid muhiim ah, ayaa labada dhinac waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Tajikistan. Waxa la isla gartay sidii loo horumarin lahaa iskaashiga dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, iyo dhaqanka, iyadoo la rajeynayo in labada dal ay sii xoojiyaan wada shaqeyntooda.

Sidoo kale, waxaa la isla gartay in muhiimad gaar ah la siiyo iskaashiga dhanka waxbarashada iyo ganacsiga, iyadoo Tajikistan ay diyaar u tahay inay Soomaaliya ka caawiso horumarinta mashaariicda kala duwan.

Wadanka Tajikistan ayaa ka mid ah wadamada Aasiya Dhexe ee hoos yimaada safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiya, taasoo fududeynaysa xiriirka labada dal iyo wada shaqeynta heerarka kala duwan.

Danjiraha Soomaaliya ee Tajikistan, Mudane Fatxudin Cali Maxamed Ospito, ayaa sheegay inuu ka go’an yahay in uu guddoonsiiyo Soomaaliya fursadaha ugu wanaagsan ee xoojinta xiriirka, isagoo ku adkeysanaya in xiriirka labada dal uu yahay mid qiimo leh oo ku saabsan danaha shacabka Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa waxaa ka dhacay is dhexgal iyo fahamka labada dhinac ee ku saabsan horumarka iyo mustaqbalka xiriirka Soomaaliya iyo Tajikistan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee...

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta soo gebagabeeyey...