Madaxweynaha Tajikistan oo ka Guddoomay Warqadaha Aqoonsiga Danjiraha Soomaaliya

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Tajikistan Mudane Emomali Rahmon, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Tajikistan, Mudane Fatxudin Cali Maxamed Ospito, waxaana uu ka guddoomay warqadaha aqoonsiga Danjirinimo.

Kulanka oo ahaa mid muhiim ah, ayaa labada dhinac waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Tajikistan. Waxa la isla gartay sidii loo horumarin lahaa iskaashiga dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, iyo dhaqanka, iyadoo la rajeynayo in labada dal ay sii xoojiyaan wada shaqeyntooda.

Sidoo kale, waxaa la isla gartay in muhiimad gaar ah la siiyo iskaashiga dhanka waxbarashada iyo ganacsiga, iyadoo Tajikistan ay diyaar u tahay inay Soomaaliya ka caawiso horumarinta mashaariicda kala duwan.

Wadanka Tajikistan ayaa ka mid ah wadamada Aasiya Dhexe ee hoos yimaada safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiya, taasoo fududeynaysa xiriirka labada dal iyo wada shaqeynta heerarka kala duwan.

Danjiraha Soomaaliya ee Tajikistan, Mudane Fatxudin Cali Maxamed Ospito, ayaa sheegay inuu ka go’an yahay in uu guddoonsiiyo Soomaaliya fursadaha ugu wanaagsan ee xoojinta xiriirka, isagoo ku adkeysanaya in xiriirka labada dal uu yahay mid qiimo leh oo ku saabsan danaha shacabka Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa waxaa ka dhacay is dhexgal iyo fahamka labada dhinac ee ku saabsan horumarka iyo mustaqbalka xiriirka Soomaaliya iyo Tajikistan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SODMA oo kulan la qaadatay hay’adaha gargaarka iyo Ururrada samafalka gudaha Dalka.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), Md. Maxamuud Macallin Cabdulle,...

Guddoomiye Kuxigeenka Golaha Shacabka oo Muqdisho Kusoo Dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Nabadda.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo soo xiray Shirweynaha 6-aad ee hal-abuurka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Shirka Golaha Wasiiradda oo lagu ansixiyay Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...