Wasiirka Waxbarashada XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska 

Date:

Soomaaliya Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay Safiirka Dowladda Ingiriiska u joogo Soomaaliya, Danjire Mike Nithavrianakis iyo wafdi ka socday. Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga waxbarashada ee labada dowladood, iyadoo si gaar ah loo xoogi dayay horumarinta waxbarashada heerarkeeda kala duwan.

Danjire Mike Nithavrianakis, ayaa si gaar ah diiradda u saaray tayaynta iyo sare-u qaadista tacliinta sare, isagoo ka hadlay sidii ay labada dal iska kaashan lahaayeen sidii Soomaaliya loo gaarsiin lahaa heerarka ugu sarreeya ee waxbarashada iyo xirfadaha la xiriira. Wasiirka Waxbarashada ayaa ku sheegay kulanka in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay inay sii xoojiso xiriirka waxbarashada ee la leh Ingiriiska, isla markaana ay ka go’an tahay in la hormariyo tacliinta sare ee dalka si loo daboolo baahida shaqo ee suuqyada.

Labada dhinac ayaa sidoo kale isla gartay in la abuuro barnaamijyo cusub oo loogu talagalay tayeynta manhajyada, tababarka macallimiinta, iyo sidii loo heli lahaa fursado dheeraad ah oo caawiya kor u qaadista tayada waxbarashada ee Soomaaliya. Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa sidoo kale soo bandhigay qorsheyaasha mustaqbalka ee Wasaaradda Waxbarashada, isagoo muujiyay inay ka go’an tahay hirgelinta mashaariicda waxbarashada ee muhiimka ah si loo helo mustaqbalka wanaagsan ee dhallinyarada Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa ahaa mid muhiim u ah wada-shaqeynta labada dal ee ku aaddan horumarinta iyo tayaynta nidaamka waxbarashada Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo xukun toogasho ah ku fulisay dhagarqayaal Khawaarij ah

Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka...

Tababar ku saabsan qaab-dhismeedka Sanduuqa Cimilada Cagaaran oo Muqdisho lagu qabtay

Tababar ku saabsan Qaab-dhismeedka Sanduuqa Cimilada Cagaaran (Green Climate...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyey geerida Dr Cumar Aaden Cadde

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...