Wasiirrada Hirshabeelle oo ka hadlay Amniga iyo Horumarinta Deegaannadaas

Date:

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa maanta shir-guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirrada Dowladda Hirshabeelle. Kulankan ayaa looga hadlay arrimaha amniga iyo xasilinta deegaanada Hirshabeelle, xoojinta howlgalada kooxda Khawaarijta looga xoreynayo deegaanada Hirshabeelle, iyo dhameystirka dhismaha goleyaasha deegaanka.

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa Golaha Xukuumadda uga warbixiyay xaaladaha guud ee amniga deegaanada Hirshabeelle, sare u qaadista tababarrada iyo tayeynta qeybaha kala duwan ee ciidamada sida booliiska iyo daraawiishta.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ayaa Golaha u faahfaahiyay halka ay mareyso hanaanka maamul daadejinta iyo qorshaha Wasaaradda ee ku aaddan dhameystirka Goleyaasha deegaanka si bulshadu u doorato hoggaanka maamulkooda.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay guulaha laga gaaray barnaamijka xasilinta oo lagu hormarinayo deegaannada iyo degmooyinka Hirshabeelle, oo sanadkii hore ka fuleen mashaariic horumarineed oo muhiim u ah bulshada.

Shirka Golaha Xukuumadda Dowladda Hirshabeelle waxaa maanta kasoo qeybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh), oo Madaxweyne Cali Guudlaawe iyo Xukuumadiisa ku bogaadiyay sida ay u xoreysteen inta badan deegaannada Hirshabeelle iyo sidii ay ugu guuleysteen inay deegaannadaasi gaarsiiyaan mashaariic horumarineed oo waxtar leh.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa...

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa magaalada New...

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka...