Wasiirka Cadaaladda oo kulankii muhiim ah la qaatay Wafdi ka socda Midowga Afrika

Date:

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa ku qaabilay xarunta Wasaaradda, wafdi ka socday Midowga Afrika oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Guddi-gaarka ah ee Guddoomiye Gudiga Midowga Afrika ee Soomaaliya (SRCC) iyo Madaxa Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Amb.

Maxamed El-Amin Souef. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta doorashooyinka dalka, xoojinta cadaaladda, iyo wada-shaqeynta labada dhinac ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika.

Wasiirka Cadaaladda Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa wafdiga uga warbixiyay horumarka Xukuumadda Dan-Qaran ee dhinacyada doorashooyinka, iyadoo si gaar ah loogu taahayay dadaalka xukuumadda ee ku aaddan qabashada doorasho qof iyo cod ah. Waxa kale oo uu tilmaamay dhammeystirka Dastuurka Soomaaliya iyo horumarka la gaaray, isagoo rajeynaya in la gaaro bisha Diseembar 2025 si loo dhammeystiro hanaanka doorashada dalka.

Mudane Xasan Macallin Maxamuud wuxuu sidoo kale mahadnaq u jeediyay hawlgalka ATMIS, isagoo xusay doorka muhiimka ah ee ay ka qaateen sugidda amniga dalka iyo taageerada dowlad-dhiska Soomaaliya muddadii ay joogeen. Wafdiga Midowga Afrika ayaa soo dhaweeyay horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.

Kulankan ayaa muhiimad gaar ah u lahaa xoojinta xiriirka iyo wada-shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika ee dhinacyada amniga, doorashooyinka, iyo dowlad-dhiska.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa...

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa magaalada New...

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka...