Taliyaha Ciidanka Boliiska oo sagootiyey Ciidamo Tababar kusoo qadanayo Masar

Date:

Ku Simaha Taliyaha ahna Taliye ku-xigeenka  Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Cismaan Maxamed Cabdullaahi (Kaniif), ayaa sagootiyey ciidamo tababar layli sarkaalnimo ku soo qaadanaya dalka Masar.

Tababarka iyo Qorsheynta Hogaanka Tababarada iyo Qorsheynta,ayaa si fiican u qabanqaabiyey safarka ciidanka, waxaana Taliyaha uu ka dhageystay warbixin ku saabsan qorshaha iyo fursadaha tababarka ee ciidamadu heli doonaan.

Sarreeye Guuto Kaniif,ayaa ciidamadu kula dardaarmay in ay ka faa’ideystaan tababarka si ay u kororsadaan aqoontooda iyo xirfadaha sarkaalnimo, taasoo ka caawin doonta hagaajinta iyo xoojinta amniga dalka.

Taliyaha ayaa muujiyey muhiimadda ay leedahay in ciidamadu ay helayaan tababarro caalami ah, isagoo sheegay in tababarkani uu kordhin doono awoodda ciidanka ee dhinacyada hogaaminta,

amniga, iyo howlaha sarkaalnimo. Sidoo kale, wuxuu xusay in ciidamada ay dadaal weyn u sameeyaan si ay ka faa’ideystaan fursaddan iyo aqoon kororsiga ay helayaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi...