Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay Shirweynahan 7aad ee Garsoorka dalka

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo furay Shirweynaha 7-aad ee Garsoorka dalka, ayaa sheegay in dib-u-eegista iyo dhameystirka Cutubka 9-aad ee Dastuurka ay aasaas u tahay helidda nidaam garsoor oo la jaanqaadaya baahiyaha bulshada iyo dib u kabashada dalka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay guulaha la taaban karo ee sanadihii la soo dhaafay laga gaaray horumarinta garsoorka dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin; shaqaaleysiinta howl-wadeenno cusub oo loo maray hannaan tartan furan oo cadaalad ah iyo hirgelinta nidaamka elektarooniga ah ee dacwadaha, kaas oo si joogto ah loo horumarinayo si loo dedejiyo habsami u socodka adeegyada garsoorka.

“Dowladdu waxa ay si weyn uga shaqeynaysaa in cutubka ku saabsan Garsoorka uu noqdo mid [sida ugu wanaagsan] u qaabeeya arrimaha garsoorka, iyada oo la hubinayo in dastuurku uu saldhig u noqdo garsoor casri ah oo dabooli kara baahida caddaaladda ee bulshada”.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyey sida ay uga go’an tahay Dowladda dhammeystirka dhismaha nidaam garsoor oo casri ah, hufan oo ay saldhig u tahay shareecadda Islaamka, isagoo soo bandhigay tallaabooyinka lagu xaqiijinayo oo ay ka mid tahay dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ah, sare u qaadidda miisaaniyadda Hay’adaha Garsoorka iyo baahinta adeegga garsoorka dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Danab iyo MU oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose.

Ururka 161-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya cutubka...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Gaashaandhigga Rwanda oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cumar...

Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey oo kala saxiixday Hagaha Ilaalinta Carruurta ee 2025.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta kala...