Kulan Su’aalo weydiin ah oo ku saabsanaa dhimashada hooyada iyo dhallaanka oo lagu qabtay Muqdisho

Date:

Kulanka oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Caafimaadka gaar ahaan waaxdeeda Caafimaadka Qoyska,ayaa u jeedkiisu ahaa sidii loogu samayn lahaa dib eegis Habraac la socodka iyo ka jawaabista sababaha keena dhimashada Hooyada iyo Dhallaanka (MPDSR guidelines), waxaana sidoo kale looga hadley kulanka sidii Isbitaallada guud iyo kuwa gaarka loo leeyahay ay usoo gudbin lahaayeen xogaha Hooyada ku dhimata Isbitaalladasi iyo sababta.

Kulanka waxaa sidoo kale lagu lafagurey sidii loo ogaan lahaa kiisaska aan soo gaarin xarumaha Caafimaadka heer gobol iyo heer degmo, si kor looga qaado badqabka Hooyada Soomaaliyeed ee u baahan daryeelka Caafimaad, iyadoo laga faa’ideysanayo barnaamijka Marwo Caafimaad (Female healthworkers).

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an ka jawaabista baahida Caafimaad ee ay qabto bulshada Soomaaliyeed iyo sidii loo horumarin lahaa nidaamka Caafimaadka dalkeena.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo si weyn lagu soo dhaweeyay Laascaanood .

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...