Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay Gudigga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka 

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir, ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha dalka oo uu hoggaaminaayay Guddoomiyaha Guddigga Mudane Cabdikariin Axmed Xasan.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa guddiga usoo bandhigay Himilooyinka iyo Ahdaafta Siyaasadeed oo uu ka leeyahay Doorashooyinka dalka, gaar ahaan doorashooyin toos ah oo ka dhaca Caasimadda Muqdisho iyo Doorka uu Maamulka Gobolka Banaadir ka qaadanaayo doorashooyinka Dowladdaha Hoose.

Sidoo kale kulanka, ayaa lagu soo bandhigay diyaar garowga Maamulka Gobolka Banaadir ee dhinaca Wacyigelinta Bulshada, ka gacan siinta guddiga ee goobaha diiwaangelinta, goobaha codbixinta, iyo in guddiga laga gacan siiyo dhamaan hanaanka diyaarinta kheyraadka ee doorashada ku qabsoomi karto.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa guddiga u xaqiijiyay ka go’naashiyahiisa iyo ka mira-dhalinta Ajandayaasha iyo Qorshaha Doorashooyinka dalka, si Gobolka Banaadir ay ugu dhacdo doorasho qof iyo cod, taasi oo qeyb ka ah qorshayaashiisa hortabinta u leh, asigoona guddiga u cadeeyay in uu ka taageeri doonno dhinac weliba.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

Dowladaha Soomaaliya iyo Spain ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad...

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo xilalka ka qaaday laba Wasiiru Dowle

Muqdisho, Khamiis, 26 Maarso 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Taliyaha CXDS oo booqday Askartii kusoo dhaawacantay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta oo Kormeer ku tagay Xarunta taliska

Kusimaha Wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha...