Xil wareejin rasmi ah oo ka dhacday Xarunta Wasaaradda Cadaaladda XFS

Date:

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Feysal Aadan Xasan,  ayaa maanta si rasmi ah xilalka ugu kala wareejiyey Kusimihii Agaasimaha Waaxda Dastuurka mudane Cabdulqani Cali Aadan iyo Agaasimaha cusub ee waaxda Cabdikhaliq Axmed Maxamed.

Munaasabadda xil wareejinta oo ka dhacday xarunta wasaaradda, ayaa waxaa ka qayb-galay Kusimaha Agaasimaha Guud ee wasaaradda, Mudane Muxudiin Xaashi Dalmar, agaasime waaxeedyo iyo shaqaalaha Wasaaradda.

Xoghayaha joogtada ah Mudane Feysal Aadan Xasan ayaa uga mahadceliyey Kusimihii xilka wareejiyey dadaalkii uu kusoo shaqeeyey, wuxuuna Agaasimaha cusub kula dardaarmay inuu si hufan u guto waajibaadka loo igmaday Isagoo xusay in xilka uu yahay meerto iyo in isbeddelku yahay qayb muhiim ah oo ka mid ah habsami u socodka dowladnimada ayuu Alle uga baryay in xilka uu fududeeyo mas’uulka cusub.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...

Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Dowladda Indonesia ayaa si cad u adkaysay taageerada ay...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal lagu tiro badan oo Khawaarij ah ka fuliyey Shabeellaha dhexe

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...

Golaha wasiirrada oo buriyey heshiisyadii lala galay Imaaraadka Carabta

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo ku shaqeynaya...