R/W Xamse oo goobjoog ka ahaa goobta uu xilka kula wareegayay Duqa cusub ee Muqdisho 

Date:

Ra’iisul Wasaare Xamsa “waxaan rajeynayaa Guddoomiyaha cusub ee caawa xilka la wareegay in uu noqdo guddoomiyihii ugu danbeeyey ee magacaabis ku yimaada”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in caasimadda ay ka bilaaban doonaan doorashooyinka qof iyo cod ee dalka laga qabanayo, isla markaana uu guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ee caawa xilka la wareegay noqon doono kii ugu danbeeyey ee ku yimaada magacaabis, taas oo muhiim u ah geeddi-socodka dimoqraadiyadda iyo xoojinta matalaadda shacabka.

“Waxaa naga go’an in talada dadka dib loogu celiyo oo magaalada Muqdisho dadkeedu ay soo doortaan hoggaankii matali lahaa, waxaana rajeynayaa Guddoomiyaha cusub ee caawa xilka la wareegay in uu noqdo guddoomiyihii ugu danbeeyey ee magacaabis ku yimaada”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka hadlayey munaasabadda uu xilka kula wareegayey Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa kula dardaarmay guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeeggo bulshada Gobolka Banaadir, uuna sii wado dadaallada lagu horumarinayo amniga, nadaafadda, bilicda iyo adeegyada bulshada ee caasimadda Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Mudane Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale, doorkii muhiimka ahaa ee uu ka soo qaatay horumarinta caasimadda intii uu xilka hayey.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

Dowladaha Soomaaliya iyo Spain ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad...

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo xilalka ka qaaday laba Wasiiru Dowle

Muqdisho, Khamiis, 26 Maarso 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Taliyaha CXDS oo booqday Askartii kusoo dhaawacantay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta oo Kormeer ku tagay Xarunta taliska

Kusimaha Wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha...