Munaasabad lagu xusayay Maalinta Nabadda Gobalka Mudug oo lagu qabtay Gaalkacyo 

Date:

Munaasabadaan oo lagu magac daray xuska maalinta Nabadda iyo Horumarinta Gobalka Mudug, oo ku beegan 17 Decembar oo ah maalintii sida rasmiga ah Madaxda Galmudug iyo Puntland ay u kala saxiixdeen heshiiska Nabadda ku wada noolashaha iyo Joojinta Colaadii soo jireenka aheyd ee ka jirtay Gobalka Mudug, ayaa xalay lagu qabtay Magaalada Gaalkacyo.

munaasabada oo ay kasoo qeyb galeen Mas’uuliyiin ka tirsan labada Maamul, Madax ka socotay Ururka Dhisidda Nabadda Gobalka Mudug (Mudug Peace Bulding) iyo Xubno ka socday Bulshada qeybahooda Kala duwan, ee Doorka lama iloobaanka ah kasoo qaatay Taaba galka Nabadda lagu naaloonayo ee ka jirta Gobalka, ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Guddoomiyihii hore ee gobalka Mudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye isxal iyo Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Gobalka Mudug ee Puntland Maxamuud Jaamac Xirsi.

Munaasabada ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay Odayaasha dhaqanka Haweenka iyo Dhalinyarada, Saraakiishii Ciidanka Xasilinta Xoogga Dalka, ee La aan tood aysan suurta Gasheen iyo Marti Sharaf lagu casuumo Kulanka, kuwaas oo dhammaantood ka soo sheekeyay Colaadihii lasoo maray iyo Horumarka iyo Nabadda Xiligaan la dareemayo.

Agaasimihii hore ee Wasaarada Gaashaandhigga Dowladda Fadaraalka Prof Sonkor Geyre oo ka mid ahaa Mas’uuliyiin ka socday Dowladda Fadaraalka ee kaalinta ka qaatay Nabadda, ayaa isna munaasabada ka hadlay. ” Waan idin kugu hambalyeynayaa guusha aad gaarteen,Ee nabada iyo horumarinta leh”.

Gudoomiye ku-xigeenka Gobalka Mudug ee Dhanka Horumarinta Mashariicda iyo Samafalka Dr Badal Liibaan Maxamed, ayaa gunaanadkii Munaasabada kula dardaamay inay ilaashadaan nabada ay heestaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...

Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Dowladda Indonesia ayaa si cad u adkaysay taageerada ay...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal lagu tiro badan oo Khawaarij ah ka fuliyey Shabeellaha dhexe

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...

Golaha wasiirrada oo buriyey heshiisyadii lala galay Imaaraadka Carabta

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo ku shaqeynaya...