Xubin ka tirsan khawaarijta oo lagu soo qabtay howlgal laga fuliyay duleedka Buur-Hakaba 

Date:

Ciidamadda Xoogga Dalka oo kaashanaya kuwa Daraawiishta Koonfurgalbeed, ayaa shalay howlgal qorsheeysan oo ay ka sameeyeen deegaanka Buur-Helede oo degmada Buur Hakaba ee gobolka Baay kusoo qabtay Horjooge sare oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab.

Horjoogahan oo lagu magacaabo Caliyoow Isaaq oo Khawaarijta u qaabilsanaa Lacaga Baad ah ee ay ka qaadaan Shacabka iyo Gaadiidka, ayaa in muddo ah dhib ku haayay dadka Shacabka ah ee halkaas ku dhaqan.

Taliyaha Ciidamadda Daraawiishta degmada Buur-hakaba Dhamme Maxamed Xasan Aadan (Sandheere),ayaa sheegay in markii ay soo qabanayeen Horjooge Caliyoow uu ku howlanaa inuu lacago Baad ah ka qaado gaadiid safar ah.

Xoogga dalka, ayaa Khawaarijta ka soo qebtay horjoogayaal halis ku ah dadka Soomaaliyeed, iyadoo kuwa kale oo intaas ka badan laga khaarajiyay, waxaana guud ahaan ka socda goobaha ay kuu dhuumanayaan Khawaarijta howlgallo ka dhan ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Laascaanood oo maanta lagu qabanayo munaasabada caleemo saarka madaxda Waqooyi bari

Waxa maanta magaalada laascaanood ee xarunta dowlad gobolleedka Waqooyi...

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshadda XFS oo kulan la qaatay wasiirka qoyska iyo adeegyada bulshadda ee dalka Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya Mudane Prof....

Dowladda koonfurta Sudan oo si adag u taageertay ilaalinta midnimada Soomaaliya

Dowladda Jamhuuriyadda Suudaanta Koonfureed ayaa si rasmi ah u...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo laascaanood ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socda dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...