Labada Gole ee Baarlamaanka oo ansixiyey guddiga madaxa-banaan ee Doorashooyinka 

Date:

Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo kulan ku yeeshay xarunta Vila Hargeysa, ayaa goor-dhow ansixiyay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ku dhawaaqay natiijada, isagoo sheegay inay  169-Xildhibaan ogolaadeen , waxaana diiday 6 Mudane, sidoo kale wax ka aamusay majirto sida uu sheegay Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha oo ay ansixiyeen labada gole waxa ay kala yihiin:

1) Cabdikariim Axmed Xassan

2) Saadiq Abshir Garaad

3) Avv. Maxamed Cabdiraxmaan Aadan

4) Yusuf Cabdiqaadir Maxamed-Baafo

5) Cumar Abuukar Cumar

6) Farxiyo Maxamed Yusuf

7) Dr. Cumar Jamac Maxamed

8) Faarax Cabdi Xasan

9) Sahro Diiriye Muuse

10) Cabdullahi Salaad Yaroow

11) Maxamed Amiin Xasan Cabdullahi

12) Cabdi Cadow Maxamed

13) Cabdishakuur Abiib Haayir

14) Khaalid Ibrahim Ismaaciil

15) Aamina Sh. Cusmaan Maxamed

16) Naasir Maxamed Shire

17) Cabdiraxiim Cabdillahi Shaafici

18) Maxamed Cumar Ismaciil

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha, waa guddi Qaran oo dastuuri ah wuxuuna mas’uul ka yahay maamulidda doorashooyinka heerarka kala duwan ee dalka iyo in ay hirgaliyaan doorashooyinka qof iyo cod ah oo hufan oo la rabo inay ka dhacdo dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo kormeer ku tagay Degmada Kaaraan, halkaas oo ay ka socoto qaadashada Kaarka Codbixinta

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xarigga ka jaray Iskuul waxbarasho oo loogu talagalay Gabdhaha

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Duqa Muqdisho oo Booqday Qoys Waxyeello kasoo Gaartay Dab ka Kacay Degmada Howlwadaag

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...