Guddiga Saaxiibtinimada ee Soomaaliya iyo Turkiga oo kulan la yeeshay Guddoomiyaha Baarlamaanka Turkiga 

Date:

Guddiga Saaxiibtinimada ee Baarlamaanada dowladdaha Soomaaliya iyo Turkiga oo booqasho rasmi ah ku jooga Turkiga, ayaa la kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka ee Dowladda Turkiga mudane Numan Kurtulmus.

Kulanka, ayaa looga hadlay tababarada howlwadeenada Baarlamaanka Soomaaliya, dhismaha xarunta Baarlamaanka oo ay horay u balan qaadeen, dhismaha Safaaradda Soomaaliya ee Ankara oo hada meel wanaagsan mareysa, qorshihii lagu dhisi lahaa iyo in Baarlamaanka Soomaaliya ay kala shaqeeyaan doorashooyinka qof iyo codka ah farsamo ahaan iyo waaya aragnimo.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ee Dowladda Turkiga Mudane Numan Kurtulmus ayaa xubnaha Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanada Soomaaliya iyo Turkiga kaga mahadceliyay booqashada rasmiga ah oo ay ku joogaan Turkiga, isagoo balan qaaday inuu ka shaqeynayo sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada Baarlamaan.

Dhanka kale guddiga saaxiibtinimada ee Baarlamaanada Soomaaliya iyo Turkiga ayaa la kulmay dhigooda dalka Turkiga, iyagoo kala hadlay horumarinta iyo dardar gelinta labada guddi si loo gaaro hadafka labada guddi loo magacaabay.

Ugu dambeyn Guddiga ayaa kulan muhiim ah la qaatay Guddoomiyaha guddiga Waxbarashada, Dhaqanka, Dhalinyarada iyo Cayaaraha mudane Xildhibaan Mahmut ÖZER, waxana kulanka diirada lagu saaray horumarinata waxbarashada Soomaaliya iyo sidii dowladda Turkiga gacan ugu geysan lahayd in la dhiso iskuulo badan iyo kuwa farsamada gacanta ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Soomaaliya oo Ka Qayb gashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Hindiya iyo Carabta

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir kula qaatay magaalada Jigjiga Madaxda Gobolka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Jigjiga

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu soo...