Guddiga Saaxiibtinimada ee Soomaaliya iyo Turkiga oo kulan la yeeshay Guddoomiyaha Baarlamaanka Turkiga 

Date:

Guddiga Saaxiibtinimada ee Baarlamaanada dowladdaha Soomaaliya iyo Turkiga oo booqasho rasmi ah ku jooga Turkiga, ayaa la kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka ee Dowladda Turkiga mudane Numan Kurtulmus.

Kulanka, ayaa looga hadlay tababarada howlwadeenada Baarlamaanka Soomaaliya, dhismaha xarunta Baarlamaanka oo ay horay u balan qaadeen, dhismaha Safaaradda Soomaaliya ee Ankara oo hada meel wanaagsan mareysa, qorshihii lagu dhisi lahaa iyo in Baarlamaanka Soomaaliya ay kala shaqeeyaan doorashooyinka qof iyo codka ah farsamo ahaan iyo waaya aragnimo.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ee Dowladda Turkiga Mudane Numan Kurtulmus ayaa xubnaha Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanada Soomaaliya iyo Turkiga kaga mahadceliyay booqashada rasmiga ah oo ay ku joogaan Turkiga, isagoo balan qaaday inuu ka shaqeynayo sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada Baarlamaan.

Dhanka kale guddiga saaxiibtinimada ee Baarlamaanada Soomaaliya iyo Turkiga ayaa la kulmay dhigooda dalka Turkiga, iyagoo kala hadlay horumarinta iyo dardar gelinta labada guddi si loo gaaro hadafka labada guddi loo magacaabay.

Ugu dambeyn Guddiga ayaa kulan muhiim ah la qaatay Guddoomiyaha guddiga Waxbarashada, Dhaqanka, Dhalinyarada iyo Cayaaraha mudane Xildhibaan Mahmut ÖZER, waxana kulanka diirada lagu saaray horumarinata waxbarashada Soomaaliya iyo sidii dowladda Turkiga gacan ugu geysan lahayd in la dhiso iskuulo badan iyo kuwa farsamada gacanta ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...