Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay hirgalinta Doorashooyinka toos ah

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku celiyay sida ay uga go’an tahay dowladda Federaalka Soomaaliya horumarinta hannaanka dimuqraadiyadda dalka iyo in fursad loo siiyo shacabka Soomaaliyeed in ay doortaan madaxda hoggaaminaysa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo khudbad ka jeediyay munaasabadda Boqorka Dalka Ingiriiska Charles III oo ka dhacday xarunta Safaaradda Boqortooyada Ingiriiska ee magaalada Muqdisho ayaa bogaadiyey xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo boqortooyada Ingiriiska. Madaxweynaha ayaa sidoo kale soo bandhigay ahmiyadda ay u leedahay xoojinta dowladnimada iyo horumarinta dalka hirgalinta doorashooyin dimuquraaddi ah iyo in dib awoodda loogu celiyo dadweynaha.

“Doorashadu waa tiirka ugu muhiimsan dimuqraadiyad ku saleysan rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, dowladdu waxay ka shaqeynaysaa in shacabka Soomaaliyeed ay si buuxda uga qeyb qaataan hagidda mustaqbalkooda iyo in ay helaan xaqa Dastuuriga ah ee doorashada cidda hoggaaminaysa masiirkooda”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Saaxiibada caalamiga ah ka dalbaday in dowladda Soomaaliyeed ay ku garab istaagaan marxaladdan taariikhiga ah, si loo helo daganaansho siyaasadeed, amni iyo horumar waara oo ka hanaqaada dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka...

Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Calaamadaha iyo Astaamaha Ciidanka XDS

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Digniin Adag Ka...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday 

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Shirka Iskaashiga...