Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo lagu soo dhaweeyay Caasimadda Beijing ee dalkaas

Date:

Safiirka dowladda Soomaaliya u fariisan doona dalka Shiinaha danjire Hodan Cusmaan Cabdi, ayaa lagu soo dhaweeyay Caasimadda wadankaas ee Beijing.

Danjire Hodan Cusmaan waxaa garoonka Diyaaradaha magaalada Beijing kusoo dhaweeyay xubno ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee dalkaas oo uu hoggaaminayay siihayaha Safaaradda Cabdisalaan Koodaar, iyo Diblomaasiyiin ka socotay Safaaradaha wadamada Afrika ee dalka Shiinaha.

Danjire Hodan Cusmaan ayaa kulan isbarasho ah la qaadatay diblomaasiyiintii soo dhaweynta u sameeyay oo uu hoggaaminayay Safiirka Dowladda Cameroon ahna hoggaanka danjireyaasha wadamada Afrika ee Beijing Martin Mpana, wakiilka joogtada ee Midowga Afrika u jooga wadankaas Rahmatalla Maxamed iyo Safiirka dowladda Senegal ee dalka Shiinaha danjire Ibraahim Sory Sylla, waxaana ay adkeysay in muhiim ay tahay inay wadaashaqeyn buuxda ay la yeeshaan inta ay joogto muddo xileedka.

Safiirka cusub ee Soomaaliya danjire Hodan Cusmaan ayaa sheegtay inay door muuqda ka qaadan doonto xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dalka ee Soomaaliya iyo Shiinaha iyo kor u qaadista iskaashiga caalamiga ah ee labada dhinac wadaagaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

Hay’adda Qaranka ee Tirakoobka Soomaaliyeed (SNBS), iyada oo kaashanaysa...

Wasiir Xasan Macallin “Maxkamaduhu waxay xaq u leeyihiin inay ka garnaqaan doorashada”

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Amniga Gudaha oo Shacabka ugu Baaqay Qaadashada Kaarka Codbixinta

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, General...

Wasiirka Maaliyadda oo soo dhaweeyay Wasiirka Iskaashiga Horumarinta Caalamiga ah Dowladda Sweden

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...