Madaxweyne Xasan Sheekh oo hambalyo u diray Madaxweynaha la doortay ee Somaliland 

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo si dhow ula socday doorashada dadweynaha Maamulka Soomaaliland ay codkooda ku dhiibanayeen ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha la doortay Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) iyo ku xigeenkiisa Mudane Maxamed Aw-Cali Cabdi

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyey xisbiyada kala ah; Waddani, Kaah iyo Kulmiye natiijada ay ka gaareen doorashada, waxa uuna bogaadiyey bisaylka iyo fahanka dowladnimada ee ay muujiyeen bulshada Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u xaqiijiyey Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cirro in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay dhammaystirka wada-xaajoodyada dib u heshiisiinta labo geesoodka ah, taas oo muhiim u ah horumarka iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u rajeeyey Madaxweynaha, Madaxweyne Kuxigeenka iyo Xisbiyada la doortay in Alle uu u fududeeyo qorsheyaasha horumarinta nolasha iyo kobcinta dhaqaalaha ee bulshada deegaannada Soomaaliland ay u doorteen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xafiiska Amniga Qaranka oo daahfuray Shirka maareynta Hubka iyo Rasaasta ee 2025–2030.

Xafiiska Amniga Qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabtay...

Hantidhowrka Guud ee Qaranka oo kulan la yeeshay madax ka socta hay’adaha UNODC, UNDP.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

Soomaaliya oo Khibraddeeda Maaliyadeed la kajeedisay Shir Caalami ah oo ka dhacay Beirut.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige,...

Urrur siyaasadeedka JSP oo daah furay ololaha Musharaxa Duqa Muqdisho.

Ururka Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa si heer...