Hay’adda SoDMA oo furtay shir loga hadlaayo ka jawaabista xaladaha deg-degga ah ee Bulshada 

Date:

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka ee SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shir watashi ah oo muddo 2-cisho ah socon doona, kaas oo looga hadlaayo hagidda iyo iskuduwidda ka jawabista xaaladaha degdegga ah.

Kulankaan waxaa si wadajir ah u soo qaban-qaabiyay Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka [SoDMA], Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Barnamaijka Cunta Adduunka ( WFP).

Shirkaan waxaa lagu casuumay qaar kamid ah wasaaradaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Wasaaradaha gargaarka dowlad goboleedyada dalka, Ururrada taageera Soomaaliya, Hay’adaha caalamiga ah iyo Ururrada Bulshada Rayidka ee dalka.

Kulankaan ayaa la filayaa in ay ka soo baxaan talooyin ku habboon kabka ka jawaabista xaaladaha dagdegga ah, iyadoo loo marayo habka illaalinta bulshada sida sameeynta istiraatijiyadda ka jawaabista khataraha ee Ilaalinta bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...