Guddiga Doorashooyinka oo kulan wada tashi ah la qaatay bulshada Rayidka

Date:

Guddiga Kumeel gaarka ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka u xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka, Ururrada iyo Xisbiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka iyo soohdimaha ayaa kulan wadatashi ah Magaaladda Muqdisho kula qaatay Ururrada Bulshada rayidka,

Kulanka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed oo ay wehliyaan Guddoomiye kuxigeenka iyo Xoghayaha Guddiga ayaa waxaa wakiilada matalayay ururada Bulshada rayidka looga talo gelinayay Akhrinta labaad ee hindisaha xeerka doorashooyinka Qaranka oo uu Guddiga gacanta ku haayo dhowaanna la filayo in la horgeeyo Baarlamaanka labadiisa Aqal.

Xubnaha ka socday Bulshada rayidka qeybaheeda kala duwan ayaa talooyinkooda ku biiriyay xeerkan,waxaana Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed uu sheegay in ujeedkoodu yahay si talooyinka iyo aragtida bulshada rayidka loogu daro xeerkan muhiimka u ah doorashooyinka qof iyo codka ah ee la rajeynayo in ay dalka ka qabsoomaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Odayaasha Dhaqanka oo Muqdisho ku qabtay Dibadbax ay kaga soo horjeedaan Xadgudubka Israa’iil

Bannaanbax ballaaran oo looga soo horjeeday faragelinta iyo xadgudubka...

Ciidamada Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay keydad biyo ah oo ay lahaayeen Khawaarijta

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay keydkii...

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Beljimka oo ka bannaan-baxay aqoonsi beenaadka Israa’iil

Dadweynaha Soomaaliyeed ee deggan dalka Beljimka ayaa qabtay bannaanbax...

Xogta Xafiiska Hantdhowrka ee hufnaanta iyo qabashada Dakhliga Dowladda

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan...