Cabdiraxmaan Cirro oo ku soo baxay doorashadii ka dhacday Somaliland ee Madaxweynaha 

Date:

Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa  ku dhawaaqay in Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) uu ku guulaystay doorashadii madaxtinimada Xisbiga Waddani, isagoo helay codad gaarayo  63.92%.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa noqonaya Madaxweyniha 6-aad ee maamulka Somaliland ee Waqooyiga Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa ku dhashay magaalda Hargeysa 1955-kii, 1978 illaa 1981 wuxuu ka soo shaqeeyay hay’ad la oran jiray horumarinta danwadaagaha Soomaaliya, 1981 ilaa 1988 wuxuu ahaa dibloomaasi ka howlgala wasaaradda arrimaha dibedda ee Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa May 1988 illaa iyo 1996 wuxuu ahaa ku-xigeenka danjiraha iyo sii hayaha safaaradii Soomaaliya ee dalka Ruusha ee Moosko.

Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro ayaa ka guuleystay Madaxweynaha hadda xilka kasii dagaya Muuse Biixi Cabdi iyo musharax Faysal Cali Waraabe.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xafiiska Amniga Qaranka oo daahfuray Shirka maareynta Hubka iyo Rasaasta ee 2025–2030.

Xafiiska Amniga Qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabtay...

Hantidhowrka Guud ee Qaranka oo kulan la yeeshay madax ka socta hay’adaha UNODC, UNDP.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

Soomaaliya oo Khibraddeeda Maaliyadeed la kajeedisay Shir Caalami ah oo ka dhacay Beirut.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige,...

Urrur siyaasadeedka JSP oo daah furay ololaha Musharaxa Duqa Muqdisho.

Ururka Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa si heer...