Wasiirka Gashaandhigga “Cadowgeena gudaha iyo dibadaba waa inaan u diyaar garownaa”.

Date:

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac),ayaa tagay Xerada Jeneraal Gordan ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo tababaro uga socday Ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed.

Wasiirka oo khudbad dhiirrigelin ah u jeediyay ciidamada, ayaa xasuusiyay waajibaadka ka saaran inay dalka ka difaacaan khataraha wax u dhimaya amniga, wuxuuna yiri “Cadowgeena gudaha ah iyo kan dibadda intaba waa inaan u diyaar garownaa.”

Wasiir Jaamac waxa uu sidoo kale taabtay damaca Itoobiya ee badda, isagoo sheegay in uu ku yimid dareen ah in aysan jirin ciidan Soomaaliyeed oo ka hortagi kara, wuxuuna carrabka ku dhuftay in aysan aqbali doonin ku xadgudubka madaxbanaanida dalka.

Wasiirka, ayaa uga mahadceliyay dowladda Imaaraadka kaalinta weyn ay ka qaadatay dhismaha ciidanka oo muhiimad gaar ah u leh dalka iyo kaalmada kale ee ay siiso dowladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda Maalinta Calanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay laba dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa degmada Afgooye ee Gobolka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray dib u-dhis lagu sameeyay Dugsiga Waxaracadde

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya

Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay...