Safiirka Soomaaliya ee Masar oo kulan la yeeshay Safiirrada Turkiga iyo Sucuudiga u fadhiya dalkaas

Date:

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Masar ahna wakiilka joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Cali Cabdi Awaare, ayaa booqasho ugu tagay Safiirka Dalka Turkiga u fadhiya Dalka Jamhuuriyadda Carabta Masar Danjire Salih Mutllu SEN.

Labada Danjire ayaa ka wada hadlay xiriirka labada Dal,sidoo kale Danjire Salih Mutlu ayaa hambalyeeyey Danjire Awaare.

Dhinaca kale danjire Awaare, ayaa ku soo dhaweeyay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Masar Danjiraha Boqortooyada Sacuudiga u fadhiya Jaamacadda Carabta Danjire Cabdulcasiis Almadar oo booqasho sharafeed ugu yimid Safiirka.

Labada Danjire ayaa ka wada hadlay xiriirka labada Dal ee soojireenka ah .Sidoo kale labada Danjire waxay isla soo qaadeen arrimaha kor u qaadista wada shaqaynta Carbeed .

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Danab oo deegaanka Towfiiq ku qabtay laba dhagar-qabe

Ciidamada Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa...

Soomaaliya oo u Diyaargarowday Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka

Soomaaliya waxa ay si weyn ugu diyaargarowday xuska Maalinta...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Faahfaahiyay Horumarka Geeddi-socodka Doorashada Degmooyinka Banaadir

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS),...

Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday

Waxaa hubaal ah in su’aasha ah “Wax dhaama dawladnimada...