Guddoomiyaha SoDMA oo Xarunta NEOC kulan kula qaatay Safiirka Soomaaliya ee Sucuudiga

Date:

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka ee SoDMA Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta ku qaabilay xarunta qaran ee howl-gallada gurmadka deg degga ah ee NEOC, Safiirka Soomaaliya ee Boqortooyada Sucuudiga Danjire Aweys Xaaji.

Shirkaan waxaa looga hadlay arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin sidii Danjire Aweys u daba-gal diblomaasiyadeed ugu sameyn lahaa ballan-qaadyo ay hore dalka ugu yabooheen Xarunta King Salmaan iyo Saโ€™udi Fun.

Balan-qaadyadaas ayaa la xariiray mashaariic hormarineed iyo gargaar oo ay ku jiraan dhismaha xarumaha gargaarka deg degga ah ee maamul gobolleedyada, ceelal biyood, bakhaarrada gargaarka, qalab caafimaad, dab-damisyo iyo Aambalaasyo, kuwaaso oo qaarkood la soo ansixiyay walina soo gaarin hayโ€™adda SoDMA.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale