Golaha Wasiirrada oo Meelmariyeen Heshiis Iskaashi Dhaqaala ah oo dhaxmara Dowladdaha Soomaaliya iyo Shiinaha 

Date:

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee magacaabista Maareeye ku-xigeenka Hey’adda Aqoonsiga iyo Diiwaan-gelinta Dadweynaha, kaas oo uu noqonayo Mudane Cabdiraxmaan Siciid Axmed.

Shirka oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagu meelmariyey Heshiis ku saabsan iskaashiga Dhaqaalaha iyo horumarinta oo u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha.

Shirka Golaha Wasiirrada, ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira amniga, habka bixinta ruqsadda gaari wadista iyo dhaqan gelinta canshuurta gadista, taas oo uu dhawaan goluhu ka soo saaray qaraar lagu dhaqan gelinayo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Boliiska oo xariga ka jaray Dhismaha Dugsiga Qur’aanka Kariimka ee Gabdhaha Agoonta Boliiska

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada oo kormeer ku tagay goobaha laga qaadanayo kaarka codbixinta

Qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Amniga Gudaha oo Hey’adda UNDP kala wareegay gaadiid loogu talagalay hay’adaha amniga

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo shacabka Caasimadda ugu baaqay inay qaataan kaarka codbixinta

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan...