Wasiir ku-xigeenka Arrimaha gudaha oo kulan la qaatay Qaar mid ah Deeq bixiyaasha Soomaaliya 

Date:

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Cabdixakiin Xasan Ashkir, Mas’uuliyiin ka socday Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), ayaa magaalada Naiorbi ee dalka Kenya, kulan muhiim ah oo ku saabsan qiimaynta hirgalinta Aqoonsiga Danabeysan ee sharciga ah ee Soomaaliya la qaatay qaar ka mid ah Waddamada iyo Hay’addaha deeq bixiyayaasha ah ee Soomaaliya taageera.

Kulanka waxaa ka qaybgalay madax ka socday Waddamada Norway, Sweden, Swizerland, Dernmak, Uk, Bangiga Aduunka, UNDP iyo Somali Joint Fund.

Dood iyo falaqeyn dheer kadib, waxaa ay mas’uuliyiinta ka socday waddamadii shirka ka soo qayb galay iyo hay’addaha soo bandhigeen sida ay uga go’antahay in ay Soomaaliya ka taageeraan hirgalinta Aqoonsiga Danabeysan ee Sharciga ah.

Intaas kadib Wasiir Cabdixakiin Xasan Ashkir oo soo xiray shirka, ayaa ugu mahadceliyey wadamadii iyo hay’adihii shirka kasoo qayb galay taageerada ay la garab taaganyihiin dhisamaha hay’adaha dowladda iyo taageeradooda dadka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...