Tartamayaasha Degmada Dhahar oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka

Date:

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa wareegga Labaad kulankiisa 8-aad ku tartamay Degmooyinka Dhahar iyo Baraawe oo ka kala tirsan Gobollada Sanaag iyo Shabeelaha Hoose, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmoo ee Dhahar iyo Baraawe ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Dhahar

Tartameyaasha Degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag waxaa la weydiiyey todobo su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Lix su’aal, halka ay iska qaldeen Hal su’aal, waxa ay ka faa;iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay dhigooda Baraawe, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Dhahar ay heleen waxay noqotay Afar iyo Toban (14) dhibcood.

Baraaawe

Tartamayaasha Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Lix su’aal, halka ay iska qaldeen Hal su’aal oo kaliya, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Baraawe waxay noqotay Labo iyo Toban (12) dhibcood.

Hadaba kulankii 24-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 22-aad ee tartanka waxaa ku baratami doona degmooyinka Dhuusamareeb iyo Ceeldheer oo ka wada tirsan Gobollada Galgaduud.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan

Ugu yaraan 1,000 qof ayaa ku dhintay buuraha fog...

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la qaatay Wakiilka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Norway u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

Danjire Awaare oo ka qaybgalay kulanka wakiillada joogtada ah ee Jaamacadda Carabta

Danjiraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ee Masar ahna wakiilka joogtada...

Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan

Ugu yaraan 600 oo qof ayaa dhintay, 1,500 oo...