Tartamayaasha Degmada Bardaale oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

Date:

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 8-aad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Dharkeynley iyo Bardaale oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Baay, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmoo ee Dharkeynley iyo Bardaale ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Dharkeynley

Tartameyaasha Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey todobo Suโ€™aal, todobadii suโ€™aal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Afar suโ€™aal, halka ay iska qaldeen Saddex suโ€™aal, waxa ay ka faaโ€™iideysteen Hal suโ€™aal oo soo hareermartay dhigooda Bardaale,ย  sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Dharkeynley ay heleen waxay noqotay Toban (10) dhibcood.

Bardaale

Tartamayaasha Degmada Bardaale ee Gobolka Baay waxaa dhankooda la weydiiyay todobo suโ€™aal, waxa ay ka jawaabeen Afar suโ€™aal, iyagoo iska qalday Saddex suโ€™aal. Waxa ay ka faaโ€™iideysteen Hal suโ€™aal oo soo hareermartay tartamayaasha Degmada Dharkeynley,ย  sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Bardaale waxay noqotay Toban (10) dhibcood.

Guddiga tartanka ayaa sheegay in labada degmo ay noqdeen isku dhibco, isla markaana sida sharciga tartanku qabo waxaa lagu daray suโ€™aalo dheeri ah si loo kala saaro tartamayaasha labada dhinac ee Dharkeynley iyo Bardaale ee Gobollada Banaadir iyo Baay.

Markii lagu daray suโ€™aalaha dheeriga ah ayaa waxa ay tartamayaasha degmada Bardaale ka jawaabeen suโ€™aashii 8-aad ee la weydiiyay halka tartamayaasha degmada Dharkeynley ay iska qaldeen tii dhankooda la weydiiyay waxaana ka faaโ€™iideysatay dhigooda Bardaale oo la timid 14 dhibcood halka Dharkeynley ay keensatay 10 dhibcdood, sidaas ayayna Bardaale ugu gudubtay wareegga 2-aad ee tartanka.

Hadaba kulankii 8-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Bardaale ee Gobolka Baay, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 8-aad ee tartanka, waxaa ku baratami doona degmooyinka Buur-hakaba iyo Kaaraan oo ka kala tirsan Gobollada Baay iyo Banaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale