Tartamayaasha Degmada Xamar weyne oo u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

Date:

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 6-aad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Buuhoodle iyo Xamar weyne oo ka kala tirsan Gobollada Togdheer iyo Banaadir, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmoo ee Buuhoodle iyo Xamar weyne ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Buuhoodle

Tartameyaasha Degmada Buuhoodle Garbahaareey ee Gobolka Togdheer waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Saddex su’aal, halka ay iska qaldeen Afar su’aal, mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Buuhoodle ay heleen waxay noqotay Lix (06) dhibcood.

Xamar weyne

Tartamayaasha Degmada Xamar weyne ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Shan su’aal, iyagoo iska qalday Labo su’aal. waxa ay ka faa’iideysteen Saddex su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Buuhoodle, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Xamar weyne waxay noqotay Lix iyo Toban (16) dhibcood.

Hadaba kulankii 6-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Xamar weyne ee Gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 6-aad ee tartanka, waxaa ku baratami doona degmooyinka Warsheekh iyo Kismaayo oo ka kala tirsan Gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Jubbada Hoose.

Sawir Qaade:- Khadar Cali Nuur

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...