Agaasimaha Guud Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS oo daah furay hanaan casri ah oo lagu bixin doono baasaboorka.

Date:

Agaasimaha Guud Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Mudane Ahmed Said Mohamed, ayaa daah furay hanaan casri ah oo lagu bixin doono baasaboorka. Hanaankan cusub ayaa ah mid si digital ah loogu hubinayo xogta muwaadinka, hanaanka dirista baasaboorka iyo habka qaadashada intaba.

Adeeggaan cusub oo ah mid la jaanqaadaya habka casriga ah ee bixinta baasboorada, ayaa looga maarmi doonaa in lagu qoro gacanta codsiyada baasaboorka iyo xogta muwaadinka waxa uuna meesha ka saaridoona culeyskii ka iimaan jiray foomamka gacanta lagu buuxiyo, isaga oo soo gaabinaya waqtiga hubinta iyo daabacaadda intaba.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa si joogta ah horumarin iyo isbedal casriyeysan ugu sameynaysa hanaanka adeeg bixinta taas oo ay hay’addu ugu gol leedahay fududaynta adeegyadeeda bulshada u hayso.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...