MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO ROMA KAGA QEYB-GALAYA SHIRKA TALYAANIGA IYO AFRIKA

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Rome ee dalka Talyaaniga, halkaas oo ay kaga qeyb-geli doonaan Madasha Talyaaniga iyo Afrika, oo ah shir muhiim ah oo ay isugu imaanayaan madax ka kala socota Afrika iyo Yurub.

Shirkan waxa uu Madaxweynaha Jamhuuriyaddu ka jeedin doonaa khudbad uu diiradda ku saarayo iskaashiga dhaqaale, fududeynta isu-socodka iyo arrimaha amniga, sidoo kale, waxa uu ku soo bandhigi doona muhiimadda xasilloonida gobolka, ixtiraamka mabaadi’da madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka, isagoo si gaar ah u dul istaagi doona xad-gudubka ka dhanka madax-bannaanida Soomaaliya ee dhawaan ay Itoobiya ku dhiirratay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa iftiimin doona dadaalka aan kala joogsiga lahayn ee Soomaaliya ay ugu jirto la dagaallanka argagixisada iyo dib u dhiska ciidamada.

Madaxweynaha ayaa shirku inta uu socdo waxa uu kulammo labo geesood ah la qaadan doonaa madax iyo mas’uuliyiin ay ka mid yihiin;

– Mudane Azali Assoumani, Madaxweynaha dalka Comoros, ahna Guddoomiyaha Midowga Afrika.

– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya Mudane William Ruto.

– Madaxweynaha dalka Eritrea Mudane Isaias Afwerki.

– Agaasimaha Maamulka ee Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) Marwo Kristalina Georgieva,

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka...

Taliska XDS oo ka farxiyay Carruurta danyarta ah ee ku jirta Isbitaalka Xoogga

Maamulka Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta dhar loogu...

Xarunta Boqor Salmaan oo maanta Muqdisho ka daah-furtay qeybinta Zakaatul Fitriga.

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...