Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan la qaatay wafdi ka socday Dowladda Switzerland.

Date:

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene) ayaa maanta kulan miro dhal ah la qaatay wafdi ka socday Safaaradda Switzerland oo ay hogaaminaysay Madaxa Iskaashiga Horumarinta, Martina Durrer.
Qodobada labada dhinac ka wada hadleen ayaa waxaa ka mid ahaa sidii taageerada ay Dowladda Switzerland siiso Soomaaliya loo waafajin lahaa hawlaha mudnaanta u led Xukuumadda Federaalka Soomaaliya sida: diyaarinta Qorshaha 10-aad ee Horumarinta Qaranka, qabashada tirakoobka dadka iyo guryaha iyo dardargelinta hannaanka deeqaha dalka iyadoo xooga la saarayo dhinaca horumarinta.
Kulanka waxaa goobjoog ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Mudane Maxamed Shire, Agaasimaga Guud ee Hay’adda Istaatistikada Qaranka, Mudane Sharmarke Faarax iyo Agaasimaha Waaxda Isku-duwidda Deeqaha ee Wasaaradda Qorsheynta, Mudane Cabdifataax Xasan Cismaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

CIID MUBAARAK 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Salaadda Ciidul...

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

Ciidamada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha...

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo salaadda Ciid Fidriga ku tukaday Masaajidka Villa Hargeysa

Muqdisho, Soomaaliya 20, Maarso, 2026: Guddoomiyaha Golaha Sbacabka ee...

Madaxweynaha JFS oo Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada degaanka Gandarshe ee Sh/Hoose

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...