Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Kormeeray Wasaaradda Difaaca dalka.

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta booqday xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa kulamo ku saabsan xoojinta amniga iyo xoreynta dalka kula qaatay qeybaha kala duwan ee Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo hogaanka Ciidanka Dıfaaca Dadweynaha ee Macawisleey.
Madaxweynaha ayaa Warbixin ka dhageystay Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin iyo Saraakiisha hoggaaminaya qeybaha kala duwan ee Talisyada Ciidamada oo guullo waxtar leh ka soo hooyay howlgalada dalka looga sifeynayo argagixisada naf lacaariga ah ee Al Shabaab.
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dr Xasan Sheekh ayaa la kulmay u Qaabilsanaha Arrimaha Ciidanka Dıfaaca Dadweynaha ee Macawisleey Mudane Cali Jeyte, waxaa uuna kala hadlay sidii loo mideyn lahaa howlgalada Ciidamada Xoogga dalka iyo Ciidamada Difaaca Dadweynaha, si loo dardargelin dagaalka dalka looga ciribtirayo Argagixisada Al shabaab.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka duulaya xaqiijinta ahmiyadda loo mideeyay Ciidamada Difaaca Dadweynaha iyo Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku bogaadiyey U qaabilsanaha ka miro-dhalinta ujeedkii dowladda Federaalka ee ahaa in la gaaro hadaf mid ah si looga adkaado AL shabaab.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku adkeeyey hoggaanka Talisk Ciidanka Xoogga Dalka iyo u qaabilsanaha Macaawisleeyda in ay xoojiyaan daddaallada naf hurnimada leh ee ay ku beegsanayaan cadowga ummadda Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal guuleystay ku xoreeyay...

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo howlgallo ka dhan ah Khawaarijta...

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa...

Guddoomiyaha SoDMA oo sheegay in Soomaaliya u socoto dhanka nidaamyo xooggan oo ka jawaaba masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...