Safaaradda JFS ee Ethiopia oo Addis Ababa ku Qabatay Munaasabad Lagu Taageerayo Guulihii Waaweynaa ee Qaranka Usoo Hoyday.

Date:

Addis Ababa Isniin 18 12, 2023 – Safaaradda Jamhuuryadda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Ethiopia ayaa magaaladda Addis Ababa ku qabatay munaasabad lagu bogaadinayey laguna taageerayay guulaha waaweyn ee ay JFS gaartay muddooyinkii u danbeeyey, guulahaas oo u qaybsanaa dayn-cafinta, qaadista cuna-qabatayntii hubka iyo ku biirista suuqa ganacsiga Bariga Africa oo dhamaantoodba ahaa caqabadaha ugu waaweyn ee hor taagnaa geeddi socodka Dawladnimada Soomaaliya.

Munaasabaddan waxaa ka qayb galay Danjiraha JFS ee dalka Ethiopia Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa, Madaxweyne ku xigeenka Gal-mudug Cali Daahir Ciid, diplomaasiyiin kala duwan oo ka tirsan Safaaradda JFS ee Ethiopia, Xildhibaan Xasan Cabdi Ismacil oo kamid ah BJFS, mas’uuliyiin ka tirsan jaaliyadda Soomaaliyeed ee Ethiopia iyo qayabaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Ethiopia.

Munaasabaddu intii ay socotay ayaa waxaa warbixino kala duwan oo ku salaysan arrimaha ay JFS guulaha ka gaartay soo jeediyay Xog-hayaha koowaad Mustaf Mahdi Cashuur iyo ku xigeenka arrimaha Militariga Maxamuud Cumar Xaabul ee Safaaradda iyo sidoo kale guddoomiyaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee Ethiopia Maxamuud Ciise Cali.

Docda kale Madaxweyne ku xigeenka Gal-mudug Cali Daahir Ciid iyo Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil ayaa siyaabo kala duwan u sharaxay muhiimadda ay guulahani u leeyihiin JFS, iyagoo hoosta ka xariiqay in dhamaan madaxda iyo hay’adaha kala duwan ee Dawladda Soomaaliya ay si buuxda u qaateen kaalintooda ku aadan meel marinta iyo ka gun-gaarista arrimahan.

Ugu danbayn, Danjiraha JFS ee Ethiopia Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa oo munaasabadda soo xiray ayaa si qota dheer u faah-faahiyay dariiqa loo maray iyo dedaalka lagu bixiyay in Soomaaliya ay gaarto guulahan taariikhiga ah, wuxuuna caddeeyey in Soomaaliya ay mar kale u gudubtay dariiqa horumarka iyo xasiloonida.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Tanzania oo horumarinaya iskaashiga ka dhexeeya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Xuska 65-sano guurada xornimada Soomaaliya oo Sucuudiga lagu qabtay

Ergada Soomaaliya ee fadhida Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee...

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYBGALAY XUSKA MAALINTA XORIYADDA IYO MIDNIMADA DALKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljirka dahsoon

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...